Golaha Wasiirada Puntland Oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Gobolka Sanaag
War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda Puntland ee maanta ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay ciidamada Somaliland ku soo qaadeen degaanka Damalla Xagarre si ay khalkhal u geliyaan qabsoomidda imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland wakhtigaasi socday.





