𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫, 𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐫𝐢𝐦𝐨 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐮 𝐚𝐡 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal, gaar ahaan xagga iskaashiga horumarka bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga, iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimada.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka Dawladda Qatar si mug leh uga mahad naqay soona dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si laab-furan Dawladda Qatar uga mahad naqay gargaarka iyo deeqaha ay u fidiso bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xilliyada adag, sida gurmadka abaaraha oo kale.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka mahad naqay mashaariicda waxtarka u leh nolosha bulshada JSL ee ay Dawladda Qatar ka fuliso Somaliland, isaga oo Dawladda Qatar ka codsaday in ay sii kordhiso mashaariic horumarineed oo u gaar ah Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Safiirka Dawladda Qatar u caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay xaqiijinta iyo xoojinta iskaashi buuxa oo dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal, gaar ahaan ka wada shaqaynta arrimaha amniga gobolka, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga, Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhawaynayso haddii ay Dawladda Qatar Somaliland ka furanayso Xafiisyo Horumarineed, kuwo Khayri ah iyo kuwo Diblomasiyadeedba.
Isaguna dhankiisa, Safiirka Dowladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada, isaga oo xaqiijiyey in Dawladda Qatar ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Somaliland, gaar ahaan kuwa bini’aadannimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo ballan-qaad ku saabsan in labada dhinac ay sii wadaan wada-shaqaynta iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag iyo is-tixgelin buuxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker