Fulinta Amarka Madaxwaynaha ee qiimo-dhimista laydhka Borama iyo Gabiley.
Iyadoo la fulinayo amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee ku saabsanayd qiimo-dhimista korontadda magaalooyinka Borama iyo Gabiley, haddaba Waxa maanta Komishanka Tamarta Korontadda JSL soo saaray wareegto fulin ah.
Wareegtadani waxay caddaynaysaa in qiimaha halkii Kwh aanu ka badan karin qiimaha &0.59 cents bisha November, sida ku cad Wareegtadan fulinta ah.
Sidaa daraadeed, shirkadaha korontadda waxa la farayaa inay si buuxda u fuliyaan go’aankan, halka shacabka Borama iyo Gabiley lagu wargelinayo in aan laga qaadi karin biil koronto oo ka sarreeya qiimaha uu amray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.




