Ciidanka Qaranka Somaliland oo Laga Maamnuucay Alada TikTok

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ciidanka qaranka kaga mabnuucay inay iska duubaan muuqaalo iyagoo dirayska ciidanka xidhan iyo iyagoo dhar shicib xidhan, soona galaan aaladda TikTok-ga iyo baraha bulshada, kuna faafiyaan muuqaalo iyo hadal nooc kasta oo ay yihiinba, isagoo sheegay in amarkaasi dhaqangelayo isla maanta oo bishu tahay 1 December 2025, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, lana horgayn doono Maxkamadda Ciidamada Somaliland.
Waxa kaloo uu Taliyuhu faray taliyeyaasha ciidanka Qaranka, sida hoggaannada, taliyeyaasha qaybaha, Guutooyinka iyo madaxda kale ee ciidamada inay amarka wareegtan sideeda u fuliyaan.
Amarkan ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa ka dambeeyey kadib markii ay muddooyinkii u dambeeyey soo bateen dhallinyarada ku jirta ciidamada dalka ee caadaystay inay muuqaalo ay iska duubeen ku faafiyeen baraha bulshada, taasi oo mararka qaarkood dhaawac u gaysata sumcadda ciidanka qaranka, sidoo kalena fashilisa siraha ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker