Xukuumadda Somaliland ayaa ciidan geysay xadka Djibouti
Xukuumadda Somaliland ayaa ciidan geysay xadka Djibouti, gaar ahaan Lawyacaddo, xilli ay muddo kooban ka dhiman tahay maalintii bandhigga Xeer Ciise ee degmada Seylac oo beelaha gobolka Selel wada degaa isku khilaafsan yihiin.
Ciidankan ayaa ka hortagaya isku dhacyo beeleed oo ka dhaca degaankaas.
Beesha Ciise oo xeerka leh ayaa u astaysay 5-ta December in xafladda dabaaldeggu ka qabsoonto magaalada Seylac




