Dolwadda Turkiga oo ka hadashay qaraxyada ka dhacay maraakiibta Ruushka ku sii jeedday
Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, dalka Turkiga Cabdulkadir Uraloğlu, ayaa ku dhawaaqay in dadaallada badbaadada la bilaabay kadib qaraxyadii ka dhacay maraakiibta saliidda ee Kairos iyo Virat ee xeebta Badda Madow, isla markaana maraakiibtu ay maranyihiin.
Uraloğlu wuxuu sheegay in shaqaale gaaraya 25 qof oo saarnaa markabka Kairos la badbaadiyay, iyadoo 20 kale oo iyaguna saarnaa qof ee ku markabka Virat ay caafimaad qabaan, waxaana gurmad u fidiyay shale samatabixiyaal ah.
Agaasimaha Guud ee Arrimaha Badda ayaa sheegay in markabka Kairos uu ku sii jeeday dekedda Ruushka ee Novorossiysk, isla markaana dab uu ka kacay isagoo marayay meel 28 mayl-badeed ka xigta xeebta Turkiga.
Qaraxa ayaa loo maleynayaa in uu yahay wax dibadda kaga yimid oo aanu ka dhalan gudaha Maraakiibta.Markabka Kairos, ayaa weli dabku ka holcayaa.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay qaraxyada, hase-yeeshee waxaa loo maleynayaa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay weerareen.




