Tirada dadka ku dhintay dabkii Hong Kong oo dhaaftay 100
Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay, 76 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii dab xooggan uu qabsaday dhisme dabaqyo ah oo ay dawladdu leedahay oo ku yaalla Hong Kong -, halka tiro badan oo kalena la la’yahay.
Dabka, oo baabi’iyay toddoba ka mid ah siddeed dhisme oo ku yaalla degmada Tai Po Arbacadii, ayaa hadda ah weli la xakameynayaa”, sida uu sheegay hoggaamiyaha Hong Kong.
Kooxaha dabdamiska ayaa sheegay inay rajaynayaan inay dhammeeyaan hubinta guryaha subaxnimadan.
“Tani waa laga hortegi karay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degan, iyadoo caro ka dhalatay dayac ka jiray xagga ammaanka ah.
Ma cadda inta qof ee ku sugneyd dhismaha, oo hoy u ah ilaa 4,600 oo qof, sida ku cad tirakoobkii ugu dambeeyay.




