Puntland oo faahfaahin ka bixisay baaxadda dhulka ay wali gacanta ku hayaan Dacish Buuraha Calmiskaad
Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dagaalka ay ciidamada kula jiraan kooxda Daacish.
Dagaalkan ayaa ka socday muddo sanad ka badan buuraha Calmiskaad, waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Puntland Cabdi fataax Maxamed Cabdi nuur oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu hadda marayo meel gebagabo ah.
Mr Cabdi Fataax ayaa xusay in ilaa hadda kooxda Daacisha laga saaray boqolkiiba 95 dhulkii ay haysteen.
“Boqolkiiba 95 waa la nadiifiyay argagixisada meelaha ay joogeen oo ay ku sugnaayeen” ayuu yiri Mr Cabdi fataax .
Wasiirka ayaa intaa ku daray in goobo waawayn oo saldhigyo u ahaa kooxda ay ciidamada Puntland imika gacanta ku hayaan oo ay ka saareen.
“Goobihii taliska u ahayd haddii ay noqon lahayd goobahii saldhigyada u ahaa haddii ay noqon lahayd magaalooyiinkii iyo deegaanadii ay joogeen waa laga nadiifiyay” ayuu intaa ku daray.
Balse saraakiisha Puntland ayaa qirtay in ay jiraan goobo ay wali ku harsan yihiin kooxda Daacisha ee halkaasi ka dagaalamaysay muddo dheer.
“Waxaa soo haray in kooban oo ku kala firdhisan buurta Calmiska qeybo ka mid ah oo si dhuumaaleysi ah ku jira buuraha hoostooda, iyadana waxaan rajeynaynaa in si dhaqso ah loo soo afjaro, ” ayuu yiri wasiir dowlaha madaxtooyada Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa dhanka kale wada dadaal ay ku doonayaaan in ay ku wiiqaan awoodda kooxad iyada oo ays heegen inay qaadeen tallaabooyiin lagu go’doominayo.




