Mareykanka oo hakiyay codsiyada socdaalka ee dalka uu ka soo jeedo ninka toogtay askarta Mareykanka

Toban kun oo Afghaniyiin ah ayaa galay Mareykanka iyadoo loo marayo shuruuc gaar ah oo la xiriirta socdaalka, kadib markii Mareykanku si qalalaase leh uga baxay dalkaasi sanadkii 2021-kii, xilliga uu xilka hayay madaxweynihii hore, Joe Biden.

Ilo badan oo ka tirsan hay’adaha sharciga ayaa u sheegay wariyaha BBC ee Mareykanka ee CBS, in qofka loogu tuhunsan yahay weerarka, uu yahay Rahmanullah Lakanwal, oo ah 29-jir ka soo jeeda dalka Afghanistan, kaasoo dalkaas tagay isagoo ka faa’iideysanaya barnaamij la yiraahdo Operation Allies Welcome.

Trump ayaa sheegay kadib toogashada in Mareykanku “hadda dib u eegis ku sameyn doono qof kasta oo ajnabi ah oo ka yimid Afghanistan isla markaana yimid xilligii maamulkii Biden..”

Wajiga Hawlgalka Wadajirka ah ee DC, oo isku dubaridaya howlgallada Ciidanka Qaranka ee caasimadda, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay gelinkii dambe xilliga dalkaas, agagaarka goobt lagu magacaabo Farragut Square Metro Station.

Ciidamadu waxay ku jireen howlgallo muuqaalka sare u qaadaya agagaarka isgoyska 17th iyo I Street — meel mashquul ah oo shaqaalaha xafiisyada ay ka cunteeyaan isla markaana ay ku jireen fasax gaaban oo dhanka shaqooyinka ah.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska Magaalada, Jeff Carroll, ayaa sheegay in tuhmanuhu-“uu ka soo dhinac ” isla markaana “si degdeg ah uu u bilaabay inuu rasaas furo,” isagoo intaas ku daray in ciidamada lagu “gaaday weerarka .”

Xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo aagga joogay ayaa maqlay rasaasta waxayna dhex galeen, iyagoo ninka eedeysanaha ah ay ku qasbeen in uu dhulka jiifto laa boolisku ay yimaadeen, ayuu yiri.

Ilo ka tirsan hay’adaha sharciga ayaa CBS u sheegay in eedeysanaha la toogtay afar jeer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker