Gabadh uu dhalay Madaxweyne hore oo isu casishay eed la xiriirta ku lug lahaanshaheeda calooshood u shaqaystayaal loo qoray Ruushka.
Duduzile Zuma-Sambudla, oo ah gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa iska casishay xubinimadii baarlamaanka, kadib markii lagu eedeeyay in ay 17 nin u qortay Ruushka si ay ula dagaalamaan Ukraine, sida uu sheegay xisbigeeda maanta oo Jimce ah.
Uma-Sambudla waxay ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Umkhonto weSizwe (MK) ee uu hoggaamiyo aabaheed.
Saraakiisha MK ayaa sheegay in ay si iskeed ah isku casishay isla markaana ka bixitaankeedii Barlamaanka iyo dhammaan doorarkii kale ee dadweynaha ay isla markiiba dhaqangashay.
Nathi Nhleko, oo ah isu-duwaha qaran ee xisbiga MK, ayaa weriyayaasha u sheegay in xisbiga MK uusan ku lug lahayn in raggan loo qoro Ruushka, iscasilaadda Zuma-Sambudlana aysan ka dhignayn in dambi la qirtay, balse wuxuu intaas ku daray in MK uu gacan ka geysan doono taageerada qoysaska raggan.
“Saraakiisha qaranku waxay aqbaleen go’aanka Duduzile Zuma-Sambudla ee ah in ay is casisho iyo in ay taageeraan dadaalkeeda ku aaddan in dhallinyaradan Koonfur Afrikaanka ah dib loogu soo celiyo si nabad ah qoysaskooda,” ayuu yiri.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay bishan in 17 ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku xayiran yihiin gobolka Donbas ee dalka Ukraine kaddib markii lagu khiyaamay inay u dagaalamaan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah iyadoo lagu marmarsiyoonayo qandaraasyo shaqo oo faa’iido badan leh. Waxa ay sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii ay guryahooda ugu soo celin lahayd isla markaana ay baarayso sida ay ku tageen halkaas.




