𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐎𝐝𝐨𝐫𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔-𝐤𝐚 .

 

Fadhigii 43-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Marka laga tago Warbixinta Xaaladda Guud ee Amniga Dalka, oo uu ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo); Fadhigii 43-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa gebi ahaanba lagaga wada hadlay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka JSL ee 2026-ka.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐎𝐝𝐨𝐫𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔-𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada faahfaahin buuxda ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Fadhigii 43-aad waxa iyaguna ku sugnaa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo Agaasimaha iyo Ku-xigeenka Waaxda Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda Guud ee Dawladda ee Sannadka 2026-ka oo ah Miisaaniyadii 35aad ee Qaranka JSL, isla markaana ah Miisaaniyadii ugu badnayd ee uu yeesho Qaranka JSL; Wasiirku waxa uu sheegay in ay Miisaaniyaddani mudnaanta siinayso xoojinta Adeegyada Bulshada, xoojinta Difaaaca, Ilaalinta Amniga, Dhisidda Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo ilaalinta xasilloonida Dhaqaale iyo ta Maaliyadeed ee dalka.

Wasiirku waxa uu xusay in Miisaaniyadihii hore ee Sanadihii 2022, 2023 iyo 2024 uu ku yimid dhinaansho dhan cel-celis ahaan (𝟏𝟏%) iyada oo Miisaaniyadda 2026-ka marka loo eego Miisaaniyaddii 2024 ay kordhayso dakhli ahaan 𝟐𝟐%. Taasi oo macnaheedu yahay in 11% ahaa hoos-u-dhicii (deficit) Miisaaniyaddii 2024-ka ay Wasaaradda Maaliyaddu dabooshay; halka uu jiro korodh Dakhli oo ah 11% oo la xidhiidha Odoroska Miisaaniyadda 2026-ka.

Wasiirku waxa uu sharaxay Odoroska Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2026-ka oo dhan: 𝟐,𝟖𝟔𝟔,𝟏𝟖𝟑,𝟓𝟔𝟖,𝟏𝟎𝟗 𝐒𝐡𝐒𝐋

Halka ay Miisaaniyadda 2025 ka ahayd: 𝟐,𝟓𝟗𝟑,𝟒𝟑𝟏,𝟐𝟓𝟏,𝟖𝟖𝟕 𝐒𝐡𝐒𝐋;
Faraqa u dhexeeya waa 𝟐𝟕𝟐,𝟕𝟓𝟐,𝟑𝟏𝟔,𝟐𝟐𝟐 𝐒𝐡𝐒𝐋. Marka loo bedelo boqollay Miisaaniyadda 2026-ka waxa ka badan tahay tii 2025-ka 𝟏𝟏%)

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey Qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadda 2026-ka ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo kala ah:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe (63%);
2. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose: (12%);
3. Mashaariicda Baanka Adduunka iyo Baanka H.Africa: (17%);
4. Miisaaniyadda Hay’adaha Macaashka sameeya: (8%)

ISU GEYNTA GUUD EE MIISAANIYADDA QARANKA JSL SANNADKA 2026-KA:- 𝟒,𝟓𝟖𝟒,𝟗𝟓𝟗,𝟎𝟏𝟖,𝟑𝟓𝟔 𝐒𝐇𝐒𝐋

Ugu dambayntii, Wasiirka Maaliyaddu waxa uu si Sharaf leh uga codsaday Xubnaha Golaha Wasiirrada in ay ansixiyaan Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka, si Miisaaniyadda waqtigeeda loo geeyo Golaha Wakiiladda JSL.

Intaa kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada JSL ka codsaday in cod gacan taag ah loogu codeeyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka.

41 Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa joogay Fadhigii 43-aad. Waxa u codeeyey 40 Wasiir, 1 Wasiir ayaa ka codeeyey, cidina kama aamusin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker