Maraykanka oo aaminsan Ukraine ay diyaar u tahay saxiixa heshiiska nabadda

Saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa BBC u sheegay inay rumaysan yihiin in Ukraine ay diyaar u tahay inay saxiixdo heshiis nabadeed, isla markaana horumar laga samaynayo wadahadalada Ruushka, ka dib saddex maalmood oo wada xaajoodyo ah.

Koox ka socda Maraykanka ayaa ku sugan Abu Dhabi halkaasi oo wadatashiyada labada dal ay ka sii socdaan iyada oo la isku dayayo in la buuxiyo farqiga weyn ee ka jira dhanka dhulka iyo damaanadaha ammanka.

Masuuliyiinta Ukraine waxa ay sheegeen inay isku dayayaan in ay abaabulaan booqasho uu madaxweyne Zelensky ku tago Washington ka hor dhammaadka bishan.

Balse waxaa weeraradu waa ay siisocdaan. Ruushka iyo Ukraine labadaba waxa ay habeenkii is-dhaafsadeen weeraro dhimasho leh. Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu dilay Kyiv, halka Moscow ay sheegtay inay soo riday in ka badan laba boqol oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker