Haweeney indhaha kala qaaday iyadoo meydkeeda la gubi karo

Haweeney ku nool dalka Thailand oo qoyskeedu aaminsanaa inay dhimatay ayaa gudaha naxashkeeda laga helay iyadoo nool, daqiiqado ka hor inta aan meydkeeda la gubin.

Shaqaalaha goobta lagu gubayay oo ku taal duleedka Bangkok oo meydkeeda loogu geeyay inay gubaan ayaa ku naxay markay maqleen garaac khafiif ah oo ka soo baxaya gudaha naxashka, markay fureen ayay arkeen haweeneydii oo indhaha kala furaysa.

Maamulaha hay’adda gubeysay meydkeeda ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in haweeneyda 65 jirka ah uu walaalkeed uu ka keenay gobolka Phitsanulok halkaasna u geeyay si meydkeeda loo gubo.

Walaalkeed ayaa maamulka u sheegay in walaalshiis ay sariir ku ururtay muddo labo sano ah, isla markaana ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay joojisay neefsashada.

Maamulka ayaa ku xujeeyay inuu keeno warqadda shahaahaha dhimashada taasoo uu sheegay inuusan heyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker