Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in dhalinyarada ay “si qasab ah ugu qoreyso ciidamada”

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ku aadan in dhalinyarada si qasab ah looga qabto wadooyinka iyo boostaajooyiinka gaadiidka, loona qaado tababar ciidan.

BBC-da ayaa ka ogaatay qoysaska maxaabiista iyo dadka arrintan la socda in dhalinyaro ay ku jiraan shaqaale dowladeed oo si qasab ah looga soo qab-qabtay waddooyinka, lana geeyo goobo kala duwan, si loo geeyo goobo lagu tababaro ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ugu baaqday Itoobiya in aan si qasab ah lagu askareyn carruurta aan qaan-gaarin islmarkana laga dhigin ciidan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu tababarto militariga.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025 ee Itoobiya, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu qasbayso inay ciidamada ku biiraan.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo si qasab ah looga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromia, kuna biiray ciidanka difaaca qaranka.

Badhaasaan oo [magaciisa aan beddelnay] waa shaqaale dawladeed oo ku sugan Galbeedka Arsi – islmarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha.

March 14, 2025, ayay ciidamada ammaanku xireen xilli uu subaxnimadii ka soo baxay qoyskiisa oo uu shaqo u aaday magaalada Adaama, kana soo shaqo tagay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker