Xukuumada Sudan Oo Shaqada Ka Eriday In Ka Badan 100 Dublamaasi Oo Xidhiidh Dhaw la Lahaa Dawladii Al-bashiir
Dowlada Suudaan ayaa Shaqada ka Eriday in kabadan 100 Shaqaale Diblomaasiyiin ah kadib markii lagu Eedeeyay inay Xidhiidh la leeyihiin nidaamkii Madaxweynihii hore Cumar al-Bashiir.
Ku dhawaaqidan waxaa sameeyay gudiga Xoojinta ah ee Awooda u leh xil-ka qaadista ee magaceeda loo soo gaabiyo (ERC), oo la sameeyay sanadkii hore si ay u daba gasho meeshana uga saarto hadhaagii nidaamkii Cumar al bashiir.
Xilka qaadista waxaa Loola dan lahaa “in lagu Baabi’iyo awooddii hore ee Wasaaraddii Arrimaha dibedda ee ay dhibaato badan iyo faragalin kala kulantay nidaamkii hore,” ayuu yidhi af hayeenka dawladda Mohamed al-Faki isagoo u waramay wakaladda wararka Faransiiska ee Sudan Tribune.
109-kan qof ee laga eryay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa ku jira safiiro, diblomaasiyiin iyo maamuleyaal, ayuu Mr Faki.
Diblomaasiyiintii shaqada laga joojiyay qaarkood waxaa magacaabay Mr Bashiir sidsa ay xubin ka tirsan ERC u sheegay saxafiyiinta.




