Magaalo Itoobiya ku taalla oo abaal-marin caalami ah la siiyay

Magaalada Harar ayaa dadaal u gashay xakameynta bacaha waxayna sameysay mashaariic kale oo bacahaasi looga faa’iideysanayo.

Guddoomiyaha magaalada Yaxye Cabdurashim ayaa BBC u sheegay in magaalada ay waaxda Cubic Ethiopia kala shaqeyneysay sidii looga dhigi lahaa mid xor ka ah bacaha.

Magaalada ayaa waxaa abaalmarinta lagu siiyay shirka dhaqaalaha adduunka oo ka dhacay Mareykanka.

Yaxye ayaa sheegay in mashruuca looga dhigayay Harar mid xor ka ah bacaha uu billowday sababo la xiriira dhibaatooyinka ay sababaan bacaha.

Wuxuu sheegay in bacaha daadsan magaalada iyo goobaha khashinka looga faa’iideystay kuwo waxtar u leh bulshada.

Bacaha ayaa laga soo uruuriyaa magaalada, iyadoo dad badan loo shaqaaleysiiyay, kadibna waxaa loo adeegsadaa waxyaabo waxtar leh sida qalabka dhismaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker