Iran o caalamka ka codsatay in la soo gaaro oo la caawiyo

Iyadoo dabka ka kacay keymaha Elite Chalus uu sii fidayo, Iran ayaa ku baaqday gargaar caalami ah oo degdeg ah si loo damiyo dabka ka kacay keymaha. Meelaha gubanaya waxaa ka mid ah goobo ay hay’adda UNESCO u asteeysay in ay yihiin goobo dhaxal ah oo taariikhi ah.

Diyaarad gaar ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inay gaartay Marzanabad. Ruushka, Belarus iyo Azerbaijan ayaa iyaguna muujiyay diyaargarowgooda ku aadan inay gacan ka geystaan daminta dabkan.

Dabka ayaa markii ugu horeysay 20 maalmood ka hor ka kacay kaymaha Hyrcanian, kaasoo dhererkiisu dhan yahay kun kiiloomitir oo ku teedsan xeebta Badda Caspian.

Dabka ayaa markii hore la xakameeyo toddobaad ka hor, balse mar kale ayuu dib u kacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker