Mootoole lagu dilay guri uu geynayay iPhone 17 Pro Max

Aabaa 30 jir ah oo saddex carruur ah dhalay, oo lagu magacaabo Antony Otieno, ayaa si arxan darro loogu dilay guri dabaq ah oo la yiraahdo Meridian oo ku yaala xaafadda South B ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliisku waxay tuhmayaan in dilku ahaa shirqool la xiriira telefoon uu ninka mootaalaha ah geynayay guriga.

Marxuumka ayaa laga helay isagoo ku hoos jira sariirta guriga lambarkiisu yahay 72, dabaqa shanaad. Madaxa iyo lugaha ayaa laga xiray, halka mara looga buuxiyay afka.

Waxay ahayd wax iska sahlan in mootaalaha gurigaas geeyo taleefanka iPhone 17 Pro Max oo cusub, kaas oo online-ka lagu dalbaday.

Waxay ahayd in mootaalaha, Antony, uu qofkii dalbaday u geeyo taleefanka, balse arrinta weji kale ayay yeelatay oo halkaas ayuu naftiisa ku waayay.

Meydkiisa ayaa laga helay guriga, dhiig badan ayaana ka socday ninka alaabta geynayay.

Dhiig ayaa ku ururay hoostiisa, taas oo ka dhalatay dhaawac xoog leh oo madaxa gaaray, sida lagu sheegay baaritaanka meydka.

Baaritaan ayay wadaan booliska Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker