Mareykanka oo soo bandhigay qorsha cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine

Volodymyr Zelensky ayaa lau wdaa in uu la hadlo Donald Trump ka dib markii Maraykanku u soo bandhigay Ukraine qorshe nabadeed oo qabyo ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka.

Qorshahan ayaa la sheegay inay diyaariyeen ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff iyo dhiggiisa Ruushka Kirill Dmitriev, iyadoo aanay Ukraine ku lug lahayn.

War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska Zelensky ayuu ku sheegay in Maraykanku uu rumaysan yahay in qorshahan qabyada ah uu “caawin karo dib u soo noolaynta dublamaasiyadda” wuxuuna intaa ku daray in Ukraine “ay ogolaatay in ay ka shaqeyso qodobbada qorshaha hab keeni kara in si dagaalka la soo afjaro”.

Kyiv waxay taageertay “dhammaan soo jeedinta wax ku oolka ah ee gacanta ka geysanaysa in loo sii dhawaado nabad dhab ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker