Aqalka Cad oo difaacay hadalkii Trump ee gabadh wariye ah ku yiri “doofaaryahey”

Aqalka Cad ayaa difaacay madaxweyne Donald Trump ka dib markii uu haweeney wariye ah ugu yeeray “doofaar” xilli ay su’aalo ka weydiisay dambiilaha lagu helay dambiyada la xiriira galmada ee Jeffrey Epstein ee dhintay, isagoo sheegay in hadalka madaxweynaha ay ka tarjumayaan daacadnimadiisa iyo hufnaantiisa.

Xilli uu sii raacayay diyaaradiisa gaarka ah ee Air Force One usbuucii hore, Trump wuxuu uu madaxa ka so dhiibay diyaaradda isaga oo weriyaha, farta ku fiiqay ku yiri, “Aamus, Doofaaryahey” .

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Khamiistii wax laga waydiiyay dhacdadan, waxa ay sheegtay in codbixiyayaasha Maraykanku ay dib ugu doorteen Trump daacadnimadiisa iyo in saxafiyiintu ay qiimeeyaan furfurnaantiisa ka jawaabista su’aalaha.

Muuqaalkan gabadha wariyaha ee su’aasha waydiinaysa Trump ayaa baraha bulshada si wayn ugu ugu faafay toddobaadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker