Trump oo saxiixay sharci lagu fasaxayo feylasha fadeexadda Eipstein

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay sharci amraya in la sii daayo faylasha fadeexadda galmada ee dambiilahii dhintay, Jeffrey Epstein.

Sharcigu wuxuu ku amrayaa Waaxda Cadaaladda inay soo saarto dukumentiyada baaritaankeeda Epstein soddon maalmood gudahood.

Madaxweyne Trump hore ayuu uga soo horjeeday sii deynta faylasha, laakiin wuxuu beddelay mowqifkiisii toddobaadkii hore ka dib markii uu la kulmay cadaadis ka yimid dhibbanayaashii Epstein iyo xubno ka mid ah Xisbigiisa Jamhuuriga.

Labada aqal ee Congress-ka ayaa ansixiyay sharcigan.

Trump oo horey saaxiib la ahaa Epstein, ayaa beeninay inuu wax khalad ah sameeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker