Meydka nin Tansaaniyaan ah oo ay dileen Xamaas oo la aasay laba sano kadib

Joshua Loitu Mollel oo u dhashay Tanzania ayaa maanta lagu aasay degmada Simanjiro ee gobolka Manyara, kaddib markii meydkiisa laga soo celiyay Israa’iil ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Tanzania iyo dadweyne ka kala yimid meelo kala duwan iyo sidoo kale wakiilka safaaradda Israa’iil ee dalkaasi.

Qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayaa si weyn isugu soo baxay si ay u sagootiyaan wiilka dhalinyarada ah ee u aaday dalka Israa’iil si uu u soo barto cilmiga beeraha.

Meydka Joshua ayaa dalka soo gaaray shalay oo ay bishu aheyd, halkaas oo ay ku qaabileen qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ka hor inta aan laga soo qaadin Israa’iil, safaaradda Tanzania ee dalkaasi waxay soo qabanqaabisay xaflad sagootin ah oo gaar ah oo lagu qabtay Tel Aviv.

Joshua wuxuu ku sugnaa Israa’iil qiyaastii saddex toddobaad oo keliya ka hor inta aan la weerarin oo lagu dilin Nahal Oz kibbutz, ee koonfurta Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker