Israa’iil oo sheegtay inay beegsatay xarumo ay leeyihiin kooxda Xisbullah

Fiidnimadii Arbacada, ciidamada Israa’iil ayaa laba weerar ku qaaday koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen “kaabayaasha dhaqaalaha” ee Xisbullah, wax yar uun ka dib markii ay uga digeen dadka deggan dhismeyaasha inay ka guuraan, taasoo ah xiisad cusub oo soo baxaysa, maalin kadib weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday xerada Ain al-Hilweh ee Falastiiniyiinta

Iyadoo ay soo dhawaatay sanad guuradii ka soo wareegatay xabad joojinta lagu soo afjaray dagaalkii mudada sanadka ah socday, ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah, ayaa waxaa wali sii socda duqeymaha dhanka cirka ah oo ay geysanayaan diyaaradaha Israa’iil, gaar ahaan koonfurta Lubnaan, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in ay beegsaneyso isku dayga xisbigaasi uu ku doonayo in uu dib ugu dhiso awoodiisa ciidan.

Israa’iil waxay ciidamadeeda ku haysay shan goobood oo xudduudaha ah, kuwaas oo Lubnaan ay dalbatay inay ka baxdo.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhawaan ku eedeeyay Xisbullah inay isku dayayso inay dib u dhisto awooddeeda oo ay is-hubayso

Wakaaladda Wararka Qaranka ee rasmiga ah, ayaa ku warrantay in “Diyaaradaha cadowga Israa’iil ay laba weerar ku qaadeen magaalooyinka Deir Kifa iyo Shahour, iyada oo ay duullimaadyo joog hoose ku socdaan qaybta bari

Ciidanka Israa’iil, ayaa dhankooda ku dhawaaqay bayaan kooban: “IDF waxa ay hadda weeraraysaa kaabayaasha argagixisada ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan”

Ciidamada Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ay dileen xubin ka tirsan ururka Xisbullah oo muhiim ah, ha yeeshee wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in qofka la dilay uu ahaa qof rayid ah oo ka shaqeyn jiray dhinaca maaliyadda ee dalkaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker