Dal Afrikan ah oo lacag lagu siiyay in uu qaabilo soo galootiga laga soo tarxiilo Mareykanka

Dowladda Eswatini ayaa xaqiijisay in ay maamulka Trump ka heshay $5.1 milyan oo ay ku aqbaleen dadka laga soo tarxiilay Mareykanka, taasoo qeyb ka ah hababka adag oo dhanka socdaalka ah oo Mareykanka ku qaadayo.

Boqortooyadan ku taalla Koonfurta Afrika, oo uu hoggaamiyo boqorka rasmiga ah ee King Mswati III, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay kooxaha xuquuqda u dooda ee ku aaddan heshiiska masaafurinta ee xukuumadda Madaxweyne Donald Trump uu al galay.

Wasiirka maaliyadda ee Eswatini Neal Rijkenberg oo baarlamaanka wax ka waydiiyay heshiiska isniintii, ayaa xaqiijiyay lacagta uu bixiyay. “Waxaa naloo sheegay inay u taallo dadka Mareykanka ah ee la soo tarxiilay ka dib markii aan wax ka weydiinnay,” ayuu yiri.

Isagoo intaas ku daray in wasaaraddu aan wax badan lagala socodsiin intii ay howsha socotay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker