Dhaxalsugaha Sacuudiga oo maanta booqanaya Mareykanka

Dhaxal-sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed Binu salmaan ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago dalka Mareykanka. Binu salmaan ayaa washinton kula kulmi doona madaxwaynr Donold Trump.

Booqashada dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku joogo magaalada Washington ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka dhaqaale iyo maalgashiga ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Riyadh waxay sidoo kale leedahay himilooyinkeeda ku aaddan suurtagalnimada in la gaaro heshiis difaac oo dhammaystiran.

Jidka heshiis difaac ayaa weli ah mid adag, maadaama ay u baahan tahay ansixinta Koongareeska, kaas oo maamulka Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii loo sugi lahaa si loo xaqiijiyo in Sucuudigu sii ahaado saaxiibka istiraatiijiga ah ee ku dhex jira saameeynta Maraykanka, kana fog saamaynta Shiinaha iyo Ruushka.

Arrinta ku saabsan in Riyadh ay soo iibsato diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Mareykanka ayaa mar kale miiska saaran. In Sacuudiga laga iibiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35 waxaa walaac ka muujiyay Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay sida ay qortay wakalada wararka ee Reuters in uu ka fiirsanayo in uu ogolaado heshiis uu Sucuudiga ku siinayo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Ku dhufo lifaaqa hoose si aad faahin dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradaha f-35 iyo Sacuudiga u akhriso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker