Sirdoonada Shisheeye oo Soomaaliya Ka Baxay Kaddib Markii La Sheegay in La Jabsaday Xogta E-Visa-ha
Sirdoonka shisheeye ayaa dalka ka baxaya kadib markii la sheegay in kooxo aan la garanaynin ay gacanta ku dhigeen xogta in ka badan 35,000 qof oo isticmaalay nidaamka E- Visa oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Maraykanka.
Xogta la jabsaday waxaa ku jiray: magacyada, sawirrada, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaanada, e-mailada, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryaha. Warbixinta ayaa sheegtay in safaaradaha shisheeye ee Muqdisho ay joojiyeen isticmaalka nidaamka E-visa ee dowladda, iyaga oo ka cabsi qaba in xogtooda la faafiyo.
Warbixinnada caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya u adeegsadeen marin ay hubka u mariyaan dagaalyahannada RSF ee Suudaan.
Safaarada Marakanka ee Soomaaliya ayaa habeen hore sheegtay in la jabsaday nidaamka lagu kaydiyo xogta dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawiro iyo baasbooro aad u badan oo dadka baahiyay ay sheegeen in ay yihiin dad Soomaaliya usoo safray oo xogtoodii la dhacay.
Dowlada federaalka Soomaliya wali si rasmi ah ugama hadal jiritaanka warkaan, waxaana la filaya in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan.




