Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay in la jabsaday nidaamka e-visa ee Soomaaliya
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ilo-wareedyo dhowr ah ay soo weriyeen eedeymo lagu kalsoonaan karo oo ah in kooxo aanan la gareneyn ay jabsadeen nidaamka e-visa ee Soomaaliya, taasoo suurtagal ka dhigaysa in la soo bandhigo xogta shakhsi ahaaneed ee ugu yaraan 35,000 oo qof, oo ay suurtagal tahay inay kamid yihiin kumanaan muwaadiniin Mareykan ah.
Xogta laga helay nidaamka la jabsaday waxaa sida la sheegay ka mid ah, magacyada dadka codsaday fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo halka ay ku dhasheen, ciwaannada email-ka, xirriirkooda guurka, iyo macluumaadka goobaha ay deggan yihiin.
In kasta oo Safaaradda Muqdisho aysan awoodin inay xaqiijiso in xogta gaar ahaaneed ee qofka qayb ka tahay macluumaadka la jabsaday iyo in kale, dadka codsaday e-visaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato arrintan.
Safaaraddu waxay dadka ugu baaqday inay ka war sugaan shaacinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee ku saabsan nidaamka e-visa iyo in ay tallooyin weydiistaan waaxda xogaha la jabsaday ee Mareykanka.




