Guul Qaran: Urrurka IATA oo ka Reebay Somaliland Nidaamka e-Visa ee Muqdisho” Xisbiga Kulmiye
Xisbiga KULMIYE, waxa uu soo dhaweynayaa go’aanka ay Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyada ee IATA ku caddeeyay in maddaarrada Jamhuuriyada Somaliland (Hargeysa iyo Berbera) lagu soo galayo Fisaha dalku galka ee Somaliland oo aanay qayb ka ahayn nidaamka dal-ku-galka e-Visa ee Soomaaliya.
Go’aankani waa guul qaran oo taariikhi ah oo muujinaysa in Jamhuuriyadda Somaliland ay u madaxbanaantahay nidaamka socdaalka iyo dalku galkeeda, si buuxdana u maamulayso xuduuddeeda dhulka,badda iyo hawada.
Guushan waxa horseed u ahaa isku-duubnida iyo wadajirka shacabka Somaliland, gaar ahaan qurbajoogta oo door weyn ka qaatay ilaalinta iyo difaaca madax-bannaanida Somaliland, iyaga oo sameeyay dedaallo ay kaga hortagayaan qorshihii ay Muqdisho ku doonaysay in ay ku xadgudubto madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Xisbiga KULMIYE wuxuu bogaadinayaa tallaabooyinka ay qaadday xukuumadda, inkastoo ay marar badan dib u dhacday, haddana ugu dambayntii ay muuqato in ay natiijo dhalisay. Waxa muhiim ah in la xuso in qalabka lagu maamulo hawada Somaliland ee la hawlgeliyey 10-kii November uu ahaa qalab uu xisbiga KULMIYE hore u diyaariyey, lana hawl-galiyey muddadii uu xilka hayey, kaas oo qayb weyn ka qaatay in Somaliland ay si buuxda u maamusho hawadeeda.
Baaq iyo Tallobixin:
1. In shacabka JSL sii wadaan dedaalkooda ay ku difaacayaan madaxbannaanida iyo qarannimada dalkooda gudo iyo dibadba.
2. In xukuumaddu sii waddo tallaabooyinka ay kaga horgatagayso nidaamka evisa, kuna sugayso maamulka hawada gaar ahaan qalabkii ay kala wareegtay xukuumaddii KULMIYE oo ay si joogto ah uga shaqaysiiso.
3. In mar walba la foojignaado oo lala socdo gardarrooyinka ka imanaya Muqdisho, gaar ahaan nidaamka ETA oo maamulka taagta daran ee Muqdisho ku doonayo in uu ku hello xogta dadka u soo safraya Somaliland.
4. xisbiga KULMIYE waxa uu kutalinayaa in la sameeyo Nidaam E-Visa oo Somaliland u gaar ah.
Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu adkaynayaa inuu mar walba u taagan yahay difaacidda Madax-bannaanida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sidoo kale mar walba diyaar u yahay inuu xukuumadda kala shaqeeyo arrin kasta oo loo baahdo si loo ilaaliyo jiritaanka Qaranka.
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE





