Xukuumadda jamhuurriyadda Somaaliland ayaa sheegtay ay si buuxda u soo celisay maamulka madax-bannaanida hawadeeda.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in go’aanadii ay horey u shaaciyeen la dhaqangaliyay 10-kii November 2025.

Afhayeenka ayaa yirdh, in “Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u raacayso shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka ah iyo heerarka Caalamiga ah ee Duulista hawada ee u dejisan Hay’adda ICAO”.

“Somaliland waxa ay ugu baaqday dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalku in ay ixtiraamaan madax-bannaanideeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka afhayeenka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker