Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay shirkadda maamusha garoonka Adan Cadde
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa faray shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee adan Cadde inay si degdeg ah wax uga qabato cabashada shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha.
Arrintan ayaa timi ka dib markii wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa qoraal uu soo saray ku sheegay in la xaliyay cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo keentay in shaqaalihii garoonka ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii si habsami leh.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Wasiirka ayaa ka dhageystay shaqaalaha garoobka cabshooyiinka ay qabaan.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, iyadoo lagu amray inayn mar dambe soo laaban cabashooyin la mid ah.
Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa xusay in wasaaraddiisa y ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha garoonka.




