𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐀𝐀𝐒 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐀𝐟𝐚𝐫 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐨 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐀𝐚𝐛𝐚𝐡𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay AAS-QARAN oo murugo leh oo loo sameeyey Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa, oo Aabahood ku gubay gurgii ay ku noolaayeen, dhacdadaasi oo si weyn u gilgishay guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu isaga oo hadal murugo iyo damqasho leh ka jeediyey munaasibadda aaska, ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee taabanaya damiirka ummadda JSL, isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray hooyada carruurta dhashay, ehelka iyo dhammaan bulshada reer Somaliland ee ay geeridani saamaysay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in hooyada iyo ilmaha yar ee ka hadhay masiibadan murugada leh uu Qaranka JSL dammaanad qaaday noloshooda. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka uu faray in Gacan-ku-dhiiglaha la horkeeno sharciga, waxa uu mudan yarayna la mariyo




