Dimuqraadiyiin la saftay jamhuuriyiinta si loo meel mariyo heshiis lagu soo afjarayo shaqa joojinta Mareykanka

Senetarrada mareykanka ayaa meel mariyay heshiis u gogo xaaraya in lagu so oaf-jaro shaqa joojintii dhawaan ku timid hay’adaha dowladda Mareykanka, kuwaas oo shaqadoodu joogsatay markii ugu horreysay muddo sanado ah.

Koox ka tirsan xisbiga dimuqraadiyiinta ayaa taageeray heshiis ay soo jeediyeen Jamhuuriyiinta aqalka senetka.

Ka dib 40 maalmood oo is-mari-waa ah, tani waa calaamaddii ugu horreysay ee horumar laga sameeyo – laakiin heshiiska ayaa weli u baahan inuu meel mariyo Aqalka, iyadoo dimuqraaddiyiinta ay ka soo horjeedaan.

Xubno ka tirsan Dimuqraaddiga oo aad u firfircoon, ayaa ka caraysan in tiro yar oo ka mid ah asxaabtooda Senate-ka ay heshiis la galeen Jamhuuriyiinta Trump.

Toddobaadyadii u dambeeyay, boqolaal kun oo shaqaalaha dowladda ah ayaa shaqeeyay iyaga oo aan wax mushahar ah qaadan, adeegyadiina waa la carqaladeeyay guud ahaan Mareykanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker