๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), (Aasaasaha, Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI) ayaa maanta si rasmi ah uga qayb-galay Xafladda Furitaanka Xafiiska 2-aad ee Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANIee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo ahayd mid ay Hoggaanka iyo Hawl-wadeennada Xisbiga Waddani si heer sare ah u soo agaasimeen, ayaa ka dhacday Xafiiska 2-aad ee Xarunta cusub ee Xisbiga WADDANI, waxana ka soo qayb-galay Wasiirro, masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda, haldoor siyaasadeed ee Xisbiga, Haween, Dhallinyaro iyo xubno ka socday qurba-joogga reer Somaliland ee Xisbiga WADDANI.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey khudbad qiimo leh ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad naqay dhammaan taageerayaasha Xisbiga, gaar ahaan Haweenka, Dhallinyarada iyo Qurba-jooga, kuwaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay laf-dhabar u ahaayeen guusha uu gaadhay Xisbiga WADDANI.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh ugu mahad naqay dhammaan haldoorkii reer Somaliland ee qaybta weyn ku lahaa dhismaha iyo taabba-galinta Xisbiga WADDANI, kuwooda nool, kuwa dhintayna Allah SWT uga baryay in uu jannada ka waraabiyo.
Madaxweynaha ayaa xusay in Xaruntan cusub ay ifafaale u tahay guusha xisbiga WADDANI beegsanayo Mustaqbalka, isaga oo sheegay in Xisbiga WADDANI uu mar walba u taagan yahay nabadda, midnimada shacabka, dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo u adeegidda ummadda JSL.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xisbiga WADDANI uu door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo hannaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u sheegay in Mabaadiโida iyo Jihada Siyaasadeed ee ay ku shaqayso Xukuumaddiisu ay si buuxda ugu salaysan yihiin Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI, kaasi oo uu sheegay in uu yahay tiirka rasmiga ah ee hagaya Qorshayaasha iyo Himilooyinka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu bayaamiyey in Xukuumadda iyo Xisbiga dhalay aanay laba kala ahayn, balse ay yihiin laba garab oo ka wada shaqaynaya hal hadaf; kaasi oo ah horumarinta dalka, ilaalinta nabadda iyo midnimada ummadda iyo dhisidda Dawladnimo hufan oo shacabka u adeegta.
Madaxweynaha ayaa Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee magacaaban ee Xukuumada si adag ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan hoggaanka Xisbiga, si loo xaqiijiyo wada-shaqayn buuxda oo ka dhaxaysa Xukuumadda iyo Xisbal Xaakimka, isaga oo hawl-wadeennada Xukuumadda ku booriyey IN AY IS XISAABIYAAN, INTA AAN IYAGA LA XISAABIN.
Munaasibadda waxa kale oo iyaguna hadallo mug iyo miisaan leh ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Guddoomiye-ku-xigeeno, Wasiirro, Xildhibanno iyo haldoor kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, rag iyo haweenba.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Sare iyo Maamulka Xisbiga WADDANI ku ammaanay dedaalka joogtada ah ee ay muujiyeen iyo ururinta awoodda iyo kalsoonida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan hannaanka dimuqraadiyadeed ee uu dalkeenu ku faano.




