Hargeysa : Aabo Caruur uu dhalay Dab qabadsiiyaay
lle haw naxariistee Afar Caruura oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala xaafada October ee degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Abaaro 1:00 duhurnimo mardhawayd ayaa Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii iyo guryo isku raran ahaa oo kale , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga.
Caruurta ayaa kala ahaa Saddex Wiil iyo Gabadh yar , oo dhamaantood ka yaraa da’ada 10 Jirka.
Guriga ayaa Jiingad laba Qol iyo barande ka koobnaa, markiiba dabku wada qabsaday. Aabaha Caruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay caruurta,waxaana aabaha iyo hooyada caruurta dhashay ka dhaxeeyay khilaaf, iyagoo iskula jiray Maxkamada.
Kaliya waxaa ka badbaaday Gabadh yar oo naaska jaqaysay oo guriga ilmaha kala maqnayd. waxaana maydka la gaadhsiinayaa Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.
Aabihii falkan arxandarada ah geystay ayaa la Soo qabtay,isagoo baxsanaya waxaana hadda lagu hayaa laanta Dambibaadhista CID da.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.




