Dab ka kacay Turkiga oo ay dad ku dhinteen

Dab ka kacay bakhaar lagu iibiyo barafuunka oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay lix qof.

Dabka ayaa ka kacay 09:05 xilliga maxaliga ah ee Sabtidii magaalada Dilovasi, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Kocaeli.

Barasaabka gobolka Ilhami Aktas ayaa u sheegay CNN Turk oo laga leeyahay dalka Turkiga in afar qof la dhigay isbitaalka, iyadoo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidato oo lagu daweynayo qeybta gubashada.

Wali ma cadda sababta dhalisay dabka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, wuxuuna sheegay in wasaaradda shaqada ee dowladda ay bilowday baaritaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker