Tobnaan qof oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday masjid

In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxyo salaaddii jimcaha ka dhacay masjid ku yaalla dalka Indonesia, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in arday 17 jir ah uu yahay qofka looga shakisan yahay inuu falkaasi geystay.

Dhacdadan ayaa dhacday abaare 12:15 wakhtiga maxaliga ah (05:15 GMT) gudaha dhismo dugsi oo uu ku yaalay masaajidka Kelapa Gading – oo ah degmo ku taal caasimadda Jakarta.

Dhibbanayaasha oo u badnaa arday ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo ay ku jiraan gubasho daran.

Tuhmanaha ayuu sidoo kale dhaawac soo gaaray, sida uu sheegay taliyaha booliiska Indonesia, Listyo Sigit Prabowo. Waxa uu intaa ku daray in uu socdo baaritaan ku saabsan sida uu wax u dhacay, “oo ay ku jiraan sida uu tuhmanuhu isu soo abaabulay oo uu u geystay weerarka”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker