Shaqaalaha markabkii ay burcad badeed Soomaali ah weerareen oo la sii daayay
Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa soo badbaadiyay 24 badmaaxiin ah oo la socday markab shidaal oo uu ka babbanayay calanka Malta, kaasoo ay burcad badeed ku weerareen xeebaha Soomaaliya.
Markabkan oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, ayaa shidaal ka soo qaaday dalka Hindiya kuna sii jeeday dalka Koonfur Afrika, waxaana la qabtay maalintii Khamiista, ka dib markii burcad hubaysan ay rasaas ku fureen qoryaha darandooriga u dhaca iyo baasuukayaal ka hor inta aysan fuulin markabka.
Shaqaalihii saarnaa markabka ayaa isku soo xiray dhufays adag, iyadoo kooxda weerarka geysatay ay la wareegeen gacan ku haynta markabka.
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo ESPS Victoria, kana hoos shaqeeya howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcadbadeedda ee Atalanta, ayaa gaaray markabkan galabnimadii Jimcaha. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa fuulay markabka, waxaana ay la kulmeen dhammaan 24-kii shaqaalaha ahaa oo aan waxba gaarin.




