Ingiriiska oo wax ka beddelaya siyaasad saameyneysa Soomaalida ku nool dalkaas

Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo isbeddel weyn oo lagu sameynayo nidaamka socdaalka iyo magangalyada dabayaaqada bishan, BBC-da ayaa ogaatay.

Shabana Mahmood waxay tusaale u noqon doontaa qaar ka mid ah tallaabooyinkeeda cusub ee nidaamka dalka Denmark uu isticmaalo – oo loo arko mid ka mid ah kuwa ugu adag Yurub.

Waxaa la fahamsan yahay in saraakiishu ay eegayeen xeerarka adag ee Danmark ee ku saabsan isu-keenidda qoyska iyo xaddidaadda inta badan qaxootiga inay si ku meel gaar ah dalka u joogaan.

Shabana ayaa dooneysa inay yareysi dhiirigelinta dadka imaanaya UK, iyadoo la fududeynayo in laga saaro kuwa aan xaq u lahayn inay dalka joogaan.

Laakiin qaar ka mid ah xisbigeeda ayaa ka soo horjeeda inay maraan jidka Denmark, iyadoo mid ka mid ah baarlamaanka garabka bidix ee xisbiga Labour-ka uu sheegay inay tahay mid aad u “adag” oo laga dhadhansan karo afkaarta midigta fog ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker