Dowladda Iran oo ka hadashay hadal uu sheegay madaxweynahooda oo dhaleecayn dhaliyey
Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in biyaha magaalada caasimadda ah ee Tehran ay xilliyada qaar go’i doonaan, iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo tobanaan sano ah.
Ku dhawaaqista ayaa timid laba maalmood ka dib markii madaxweyne Massoud Pezehkian uu ka digay qaybinta, wuxuuna soo jeediyay in Tehran laga yaabo in la daadgureeyo, haddii gabaabsigu sii socdo.
Hadaladiisa ayaa dhaliyay dhaleecayn baahsan oo ka soo baxday wargeysyada Iran iyo baraha bulshada, iyadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu faafiyey cabsi gelin iyo inuu wado “sheeko quus ah.”




