Dal ay Soomaalidu ganacsiyo ku leeyihiin oo gaajaada haysa dadkiisu laba jibaarantay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada dadka ku sugan xaalad gaajo oo degdeg ah ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ay ku dhowaad laba jibbaarantay tan iyo sanadkii hore, taas oo hadda gaartay in ka badan toban milyan oo qof.

Cynthia Jones, oo ah agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), ee dalkaas ayaa sheegtay in dad ay gaajo u dhimanayaan, taasin ay sabab u tahay dhaqaale yarida jirta iyadoo sidoo kale dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dagaalada sokeeye ay yareeyeen sidii loo gaari lahaa taas oo keentay in gargaarka uu gaaro kaliya qayb yar oo ka mid ah dadka u baahan.

Hay’adda WFP ayaa hadda si degdeg ah u raadinaysa ku dhowaad 350 milyan oo doollar, si ay u sii waddo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ilaa bisha Abriil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker