Dawladda Soomaaliya oo qirtay in diyaarada ka duula Puntland ay wax geeyaan Galbeedka Suudaan
Dawladda Soomaaliya ayaa maantay qirtay in diyaaradda ka duulaa Magaalada Boosaaso ay wax geeyaan Chad , Niger iyo Galbeedka Suudaan ,
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo arintan ka hadlayey, isagoo la hadlayey mudanayaasha Aqalka Saree ee Soomalaiay ayaa sheegay in waxa ay geeyaan anaay garan Karin isla markaasina ay u bahantahay in la xaqiijiyo .
Wasiirka ayaa sheegay in warbixinadu ay qorayaan in rag calooshood u shaqeeysatayaal ah oo Colombia ah laga qaado halkaas laakisne aanay xaqiiqo u hayn “ Hadda kusii fogaan meeyno ma sheegi karno” ayuu yir Axmed Maclim Fiqi .
Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in maadama maamul goboleedyadu qaarkood ay yiraahdeen meesheyda lamasoo geli karo in dadka halkaasi kasoo jeedo iyo senatarada ay waajib gaar ah saarantahay “ inagoo dad muslim ah in dad walaalaheena dhibaaato gaareeyso in aan siyaasad ahaan u difacano waxa aan ku dhaceynaa khalad ka weyn wixii aan difaaceeynay” ayuu yiri Axmed Macalim Fiqi.




