𝐅𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐭𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐚𝐲𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 (𝟎𝟓/𝟏𝟏/𝟐𝟎𝟐𝟓) 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐚 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐢 𝐊𝐚𝐫𝐨 𝐀𝐚𝐦𝐮𝐬𝐧𝐚𝐚𝐧 – 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐒𝐚𝐟𝐫𝐚𝐲𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚!:

Muddo laba bilood iyo dheeraad ah waxa dadka Somaliland usoo safraya gaar ahaan qurba-joogtu ay la kulmayaan culays iyo jahawareer la xidhiidha safarkooda. Tan iyo markii ay bilaabantay hirgalinta nidaamka e-Visa/eTAS ee ay xukuumadda Muqdisho soo rogtay muddo 65 maalmood ka hor, waxa si joogto ah loo joojinayaa ama la xanibayaa musaafiriin badan oo usoo socday dalka, gaar ahaan qurba-joogta iyada la waydiinayo e-Visa/eTAS-ka Muqdisho. Qofkasta oo doonaya in uu Somaliland u socdaalaa waxa hortaalla xog la’aan aanu garaynayn qaabka saxda ah ee uu dalka ku iman karo.
Waxa si maalinle ah usoo baxaya warbixinno muujinaya muwaadiniin Somaliland u dhashay oo ku-xaniban garoomo shisheeye,iyaga oo u soo gaadhayo khasaare maaliyadeed iyo waqtiba, isla markaana dareemaya in xukuumaddoodii dayacday oo aanay ka warhayn dhibka haysta.
Aamusnaanta iyo hadal la’aanta xukuumaddu waa mid khatar ku ah isla markaana dhaawacaysa sumcadda Somaliland ku leedahay caalamka. gaar ahaan malgaashiga, ganacsiga iyo dalxiiska oo lagu khasbayo in ay oggolaansho ka helaan Muqdisho, taas oo khatar ku ah xogtooda shaqsiyadeed iyo qiimaha dawladnimadeenna.
Tusaale ahaan, waxa dhawaan lagu soo gabagabeeyay Hargeysa shir maalgashi oo weyn; haddaba sidee baynu u soo jiidan karnaa maalgashadayaal haddii aynaan awoodin in aynu siino fiisihii dalka lagu soo gelayey?
Ilaa hadda, waxa kaliya ee la haga hayo xukuumadda waa saddex war-saxaafadeed oo ay soo saartay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarada, kuwaas oo aan xal cad u noqon arrinta taagan. Wasaaradihii kale ee hawshasani khusaysay – Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo maamusha arimaha qurba-joogta, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoos timaaddo Waaxda Socdaalku – weli lagama hayo wax hadal ah. Taasi muujinaysa in gaabis iyo masuuliyad darro ka muuqato hay’adaha xukuumadda.
Sidaas darteed, waxa aan ugu baaqayaa xukuumada in ay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo ay ka mid yihiin:
1. In ay samayso guddi qaran oo si buuxda u maamula arrimaha e-Visa.
2. In ay hirgaliso nidaam e-Visa oo gaar u ah Somaliland.
3. In dib-u-habayn iyo casriyaysan ku samayso Waaxda Socdaalka/Ciidanka Socdaalka Somaliland.
4. In ay bulshada la wadaagto xog joogto ah, lana socodsiiso kolba halka ay xaaladdu marayso.
5. In ay samayso wacyigelin joogto ah, isla markaana diyaariso qaab dadka safrayaa usoo codsan karaan caawimo marka ay u baahdaan.
6. In ay la xidhiidho shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya dalka iyada lagala hadlayo xaaladda taagan, lana siiyo awaamir cad.
Golaha Wasiirada waxa aan leeyahay ka baxa aamusnaanta aad ku jirtaan, qaada tallaabooyin aad kaga hortagaysaan damaca Muqdisho, gutana waajibka idinka saaran dadkiina safraya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker