Dufaan dabaylo wadata oo 26 qof ku dishay bartamaha Philippine,haddana ku wajahn Vietnam

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay iyada oo boqolaal kun oo kalana ay ku barakaceen bartamaha Philippine ka dib markii ay ku dhufatay duufaanta Kalmaegi.

Duufaanta oo wadata dabaylo saacaddii jaraya 130 kiiloomitir ayaa keentay daadad xooggan oo xaaqay dhulka, iyada oo dadka ay ku xannibtay saqafyada guryahooda.

Sarkaal ayaa sheegay in ka badan 20 qof ay ku dhinteen jasiiradda Cebu oo kali ah.

Muuqaalo la duubay ayaa muujinaya waddooyin ay biyaha-dhoobada leh ay hareeyeen iyo gaadiid isdul-saaran oo dadka ka go’doomiyay guryahooda.

Diyaarad helikobtar ah oo ay leeyihiin milatariga oo ku wajahnayd fidinta gurmad ayaa ayaa ku burburtay jasiirada Mindanao. (Duufaanta Kalmaegi ayaa la saadaalinayaa inay u gudubto Vietnam, halkaas oo durba laga soo sheegayo roobab xooggan)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker