War cusub oo ka soo kordhay wadahadalladii Mareykanka iyo Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegtay in Iiraan ay rabto inay heshiis la gasho Mareykanka.
Wareysi uu siiyay CBS News, Trump ayuu ku yiri, “Dabcan ma dhahayaan taas, mana aha inay sidaas yiraahdaan. Ma jiro gorgortan wanaagsan oo oran doona taas. Laakiin Iiraan aad bay u xiisaynaysaa inay heshiis gaarto.” Maalmihii u dambeeyay, waxaa jiray warar sheegaya suurtagalnimada in dib loo bilaabo wadahadalladii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka.
Afhayeenka dowladda Iiraan Fatima Mohajerani ayaa Axaddii sheegtay in “wasaaradda arrimaha dibadda ay heshay fariimo” ku saabsan dhexdhexaadinta Cumaan ee wadahadallada cusub ee lala galayo Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr al-Busaidi ayaa sidoo kale Sabtidii sheegay in “ay doonayaan in wadahadallada u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ay dib u bilaabmaan”. “Ma aanan helin wax farriin ah oo ka timid Mareykanka maalmihii u dambeeyay mana ka qaybgeli doonno wadahadallo aan awood u yeelan doonin inaan difaacno xuquuqdeenna,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baqaei Isniintii.
Horey ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi ugu sheegay waraysi uu uu siiyay Al Jazeera in Iiraan aysan ku degdegin wadahadallada. Shan wareeg oo wadahadallo ah ayaa dhexmaray Iiraan iyo Mareykanka, laakiin Tehran ayaa joojisay wadahadalladii ay la lahayd Mareykanka ka dib markii Israa’iil ay weeraratay Iraan, iyadoo taageero ka helaysa Mareykanka.




