Trump oo amar ku siiyay ciidamadiisa in ay weerar isku diyaariyaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray ciidamadiisa inay isu diyaariyaan ficil militari oo laga fulinayo dalka Nigeria si loola dagaallamo kooxaha Islaamiga ah ee xagjirka ah, isagoo ku eedeeyay dowladda Nigeria inaysan awoodin inay difaacdo dadka Masiixiyiinta ah.

Trump ma uusan sheegin dilalka uu tixraacayo, balse toddobaadyadii iyo bilihii la soo dhaafay ayaa lagu arkayay dooddo iyo warar sheegaya in “xasuuq” ka dhan ah Masiixiyiinta Nigeria uu socdo, gaar ahaan gudaha kooxaha midigta fog ee Mareykanka.

Kooxaha la socda rabshadaha ayaa sheegay inaan jirin caddayn muujinaysa in Masiixiyiinta la dilayo si ka badan Muslimiinta Nigeria, oo ah dal si isu dheellitiran ugu qaybsan labada diinood.

La-taliyaha madaxweynaha Nigeria ayaa u sheegay BBC-da in haddii wax ficil ciidan ah la qaaday, ay tahay in si wadajir ah loo fuliyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad-doonka ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker