TPLF oo ka digtay dagaal ba’an oo ay mar kale la galaan dawladda Itoobiya

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Bayaanka TPLF ayaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka soo wajahda.

Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay “ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Bayaanku wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda.”

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker