Kulanka Xi Jinping iyo Trump oo noqday mid faa’iido gudaha ah u leh labada dal
Khabiir siyaasadeed oo ku takhasusay arrimaha Shiinaha ayaa sheegay in labaduba, waa Trump iyo Xi Jinping ay ‘’gaareen wixii gudaha dalkooda ay uga baahnayeen’’ kulankii ay yeesheen.
Stefanie Kam, oo ah falanqeeye ka tirsan Jaamacada Tiknaloojiyada Nanyang ee Singapoore ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahaa ‘’xasuusin muujinaysa in xitaa marka uu jiro loolan u dhaxeeya quwadaha waaweyn in dhexdhexaadnimo ku dhisan danaha qaran ay waddo u furi karto wada shaqayn miro dhal ah.’’
Madaxda Maraykanka iyo Shiinaha ayaa horay u dhamaystiray inta badan wada xaajoodyadii ganacsiga kahor kulanka Maanta, kuwaas oo ku saabsan canshuuraha iyo dawada fentanyl. Labaduba ah arrimo aad u adag oo qayb ka ah xiisadaha labada dal.




