Maraykanka oo duqaymo ku dilay 14 qof oo saarnaa doon gooshaysay badda Pacific
Ciidamada Maraykanka ayaa ku dilay duqayn 14 qof oo saarnaa doon siday daroogo oo gooshaysay badda Pacific, sida uu sheegay wasiirka difaaca Pete Hegseth.
Ciidamada badda Mexico ayaa sheegay inay weli baadi goobayaan hal qof oo laga yaabo inuu ka badbaaday, qiyaastii 400 mayl (643km) u jirta magaalada xeebta Pacific ee Acapulco.
Duqaymahaasi ayaa qayb ka ah taxane uu Maraykanku ku beegsanayay doonyo uu sheegay inay daroogo sidaan oo gooshayay badaha Pacific iyo Caribbean.
Duqaymihii u dambeeyay ayaa ka dhacay bariga Pacific-ga, taasi oo Hegseth sheegay inay dhacday Isniintii, ka dib amarka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.




