Duufaantii ugu xoogganayd abid oo ku wajahan Jamaica iyo cabsi laga qabo

Dufaanta weli isha ayaa lagu hayaa gaabis ayayna ku socotaa keliya 2mph ama 3.2 kilomitir saacadii…waxayna ku wahajantahay dhanka waqooyi-bari dalkaas.

Saadaasha ayaa ah ama waxaa la aaminsan yahay in duufaantu ay noqon karto duufaantii ugu xooganayd ee abid ku dhufata Jamaica, iyadoo sida dabeylo xawaarihiisu gaarayaan 175mph ama jari karta (282km/saacadiiba.)

Dufaanta waxaa laga yaabaa inay noqoto tii ugu xogganayd ee jasiiradda – iyada oo khubarrada saadaasha hawada ee Mareykanka ay ka digayaan “masiibo iyo xaalado nololeed”.

Duufaanta Melissa waa duufaanta qaybta shanaad – marka la eego duufaannada ugu xoogga badan.

Gelinka dambe ee talaada da maanta ah ayaa la filayaa inay ku dhufato dalka Jamaica, taas oo dad badan ay aad ugu baqayaan.

Khubarrada ayaa ka digaya in gaabiska ay Melissa ku socoto laga yaabo in meelaha qaar ay ka geysato roobab mahiigaan ah oo daba dheeraaday meelaha qaar, taas oo kordhinaysa khatarta fatahaadaha iyo burburka.

Dufaan si toos ugu dhufatay Jamaica, waxaa la sheegay inay ahayd 37 sano ka hor.

Jawiga iyo xaaladda guud ee dalkaas, waa sidee?

Dabeylo xooggan aya bilowday inay ku dhuftaan Jamaica, cabsida jirta ayaana ah in roobab xooggan ay ka da’aan Jamaica saacado gudahood, taas oo horseedi kartaa daadad xoog leh.

Dadka Jamaica ayaa maalmo isku diyaarinayay imaanshiyaha duufaanta Melissa, raysal wasaraaha Jamaica Andrew Holness ayaa amar ku bixiyay in la daad gureeyo dadka qeybaha qaar deggen sida meelaha hoose ay adag tahay in la gaaro,

Labada garoon ee caalamiga ah Manley international airpott oo ku taala Kingston iyo Sangster international airport ee Montego Bay ayaa sidoo kale la xiray, waxaana la hakiyay dhamaan howlihii shaqo ee halkaas ka socday muddo ilaa dhamaadka isbuucan.

Korontada ayaa go’anmeelaha qaar, Iskuulada ayaa sidoo kale lagu baranayaa qaab online ah.

Kumanaan ka mid ah dadka deegaanka ayaa gabaad ka dhigtay xarumaha dowladda balse qaarkood ayaa muujiyay diidmo ah inay ka baxaan guryahooda.

Duufaanta Melissa ayaa sidoo kale la filayaa inay roobab hor leh keento isla markaana ay saamyso qeybo kamid ah jasiiradda Hispa-niola, Jamaica, bariga Cuba, iyo Jasiiradaha Cayman dhawrka maalmood ee soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker