𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐛𝐮𝐮𝐭𝐢 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Somaliland, Safiir Xuseen Cumar Kawaaliyeh, waxana kulankaasi diiradda lagu saaray adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Xasiloonida, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo isu-socodka bulshada labada dal.
Madaxweynuhu waxa uu Wakiilka u gudbiyey salaam iyo mahadnaq uu u dirayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu ku dhisan yahay walaaltinimo, dhiig, dhaqan, dhaqaale iyo dano wadaag ah oo taariikhi ah.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo wadaaga xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in la sii xoojiyo ka wada shaqaynta danaha wadaagga ah iyo iskaashiga arrimaha waxtarka u leh labada dal iyo labada shacab.
Isaguna dhankiisa, Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Somaliland ayaa tilmaamay in dalkiisu uu mar walba diyaar u yahay kor u qaadista iyo xoojinta xidhiidhka wanaagsan iyo arrimaha u adeegaya labada dal, isaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey amniga xasilloonida iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.
Kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo niyad wanaag, iyada oo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta saaxiibtinimada, nabadda iyo wadajirka gobolka.




